Muqdisho (INO) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa la sheegayaa in caqabad ay ku yihiin in la meel-mariyo sharciga lagu dhisi lahaa ciidamada DFS ee wakhtiga dhow bedeli lahaa kuwa AMISOM.
Xildhibaanada oo xili hore loo gudbiyay sharcigaasi ayaa ilaa iyo iminka meel-marin waxaana la rumeysan yahay in sharcigaasi ay si hortaag ku sameynayaan.
Abdulkhadir Sheekh Cali Diini, oo ah Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia, ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka aysan wali meel-marin Sharciga waxa uuna tilmaamay in ahmiyad gaar ah uu DF u leeyahay sharcigaasi.
Waxa uu sheegay in xili hore ay aheyd in la meel-mariyo sharciga, isaga oo cod dheer ku sheegay in dhismaha ciidamada bedeli lahaa kuwa AMISOM ay qaadaneyso wakhti badan loona baahan yahay in si dhakhsi ah lagu meel-mariyo sharciga.
Diini waxa uu tilmaamay in go’aan lagu gaaray in ciidamada AMISOM laga saaro Somalia, balse ka hor inta aan la saarin loo baahan yahay in Somalia ay isku tashato.
“Sharciga waxa uu horyaalaa Baarlamaan waxaan sugeynaa in la meel-mariyo, waayo dowladaha africa wey isku tashteen maxaa diidaaya in somalia ay iyana isku tashato”
Dhanka kale, Diini waxa uu Xildhibaanada BFS ka dalbaday inay meel-mariyaan sharciga waxa uuna cadeeyay in meel-marinta sharcigaasi uu Somalia gaarsiin karo horumar.
Idale News Online, Muqdisho