Muqdisho (INO)-Qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa waxaa wali laga dhexmaqlayaa Xerada Ciidamada ethiopia ee deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana weerarka uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah.
Qaraxan ismiidaaminta ah kadib ayaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay weerar loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ay ku qaadeen saldhigga.
Dagaalyahaano hubeysa iyo qaar wata Suumanka Qarxa ayaa la sheegayaa inay ku jireen dadka Xarunta weeraray.
Warbaahinta IdaleNews.com oo goobjoogayaal ku sugan goobta uu weerarka ka socdo ayaa u sheegay in gudaha xerada laga dhexmaqlaayo Qaraxyo iyo Rasaas xoogan, waxa ayna ciidamada jareen gabi ahaan wadooyinka gala Xeradaasi.
Gudaha xerada ay galeen maleeshiyaadka ayaa waxaa deegaan ku ahaa ciidamo aad u farabadan waxa uuna weerarka bilowday xili ciidamada ethiopia ay ahaayen kuwa jiifay.
Xerada ayaa waxaa ka dhex socda dagaal culus mana jirto wax gurmad ah oo gaaray ciidamada ethiopia, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Ciidamada mamaulka Dowlada iyo kuwa Jabuuti oo isku dayay inay u gurmadaan ayaan wali u suuragalin in madaxa ay galshaan aaga xerada.
Saraakiisha qaar ayaa sheegay in weerarka ka dhex socda xerada uu Jab weyn kasoo gaaray ciidamada ethiopia waxaana jira warar sheegaya in meydad iyo dhaawacyo hordhac ah laga soo daadgureynaayo afafka hore xeerada.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo xaaladda saldhigga ethiopia ee Halgan, waxaana gudaha xerada ku dagaalamaaya ciidamada saldhiga lahaa iyo Al-shabaab.
Idale News Online, Muqdisho