Tilaabadan ayuu Nuuri Maliki ku sheegay in looga jawaabayo magangelyada ay Kurdida siinayaan kooxaha Sunnida ah ee ka dagaalamaya dalka Ciraaq. Dhamaan diyaaradaha xamuulka qaada ayaa loo diiday inay ka degaan airporada ismaamulka Kurdida.
Arrintan ayaa si adag uga jawaabeen ismaamulka Kurdida oo ku tilmaamay Raysalwasaaraha Ciraaq hogaamiye dalka Ciraaq burburinaya.
Madaxweynaha Kurdida Mascuud Bersani ayaa ku tilmaamay Nuuri Maaliki hogaamiye isku dhex yaacay isla markaana waxa kaliya laga sugayo ay tahay inuu xilka isaga dego.
Dhinaca kale dhamaan Wasiirada iyo siyaasiyiinta kamid ah xukuumada Ciraaq ee kasoo jeeda Kurdida ayaa gebi ahaan isaga baxay kulamada xukuumada, iyagoo sheegay inay ka gadoodeen falka uu ku kacay Nuuri Maliki.
Raysalwasaare kuxigeenka Ciraaq, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Wasiirka Caafimaadka oo iyagu kasoo jeeda Kurdida ayaa sheegay inaysan ka qeyb qaadan doonin kulamada xukuumada Ciraaq.
Ismaamulka Kurdida ayaa dhankiisa cunaqabteyn saaray xukuumada Baqdaad, wuxuuna maamulkaasi joojiyey dhamaan dhaqaalihii kasoo bixi jiray Shidaalka qeybtii la siin jiray xukuumada dhexe.