Daawo: R/W hore Cumar Abdirashiid oo noqdey muddo 20 sano ka dib safiirka Somalia ee dalka Mareykanka

0
173

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay magacaabista Safiirka cusub xili lagu wado in dhawaan dowlada Maraykanka ay Soomaaliya usoo magacowdo safiirkii ugu horeeyey ee Maraykanka oo si rasmi ah u qaabilsan dalka Soomaaliya, tan iyo burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya.


Dowlada Maraykanka ayaa kamid ah wadamada gacanta siiya dowlada Federaalka Soomaaliya, xukuumada Barack Obama ayaa sheegtay inay dooneyso inay sare usii qaado taageerida Soomaaliya ee dhanka horumarinta iyo amniga.

Cumar Cabdirashiid ayaa lagu tilmaamaa siyaasiyiinta Soomaalida ee xiriirka wanaagsan laleh dowlada Maraykanka.

Cumar Cabdirashiid ayaa culuumta siyaasada kasoo bartay Jaamacada Carleton University ee magaalada Ottawa, Canada. Wuxuuna sidoo kale horey xilal uga soo qabtay Qaramada Midoobay isagoo kasoo shaqeeyey dalalka Sri Lanka, Sierra Leone iyo Sudan

Omar_Abdirashid_Sharmarke

Idale News Online