Xiisad Dagaal oo Hor leh oo taagan & Somaliland oo Degmada Taleex Maamul u dhistay.

0
227

 Xiisado Dagaal ayaa mudooyinkii danbe ka taagnaa qeybo ka tirsan Gobolka Sool, oo kamid ah Goboladda ay Gacan ku hayntiisa ku luulamayaan Maamuladda Somaliland, Puntland & Khaatumo.

Teaser Image Sool: Xiisad Dagaal oo taagan & Somaliland oo Taleex Maamul u dhistay {Dhageyso}Ciidamada Maamulka Somaliland oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa cagta mariyay Deegaanno dhowr ah oo horay ugu sugnaayeen Ciidamada Maamulka kale ee Khaatumo, iyadoo hadda Xaaladdu ay tahay mid aan Sal dhigan oo la isku Hub & Ciidan aaruursanayo.

Deegaanka Saaxdheer ee Gobalka Sool oo ay ku shirayaan Mas’uuliyiinta Khaatumo ayaa ka jirta Cabsi & Xiisado Dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland & kuwa Khaatumo, waxaana lagu soo waramayaan in dadka ay billaabeen Barakac.

Deegaanka Saaxdheer ayaa hadda la sheegay in lagu wado in uu ka furmo Shirka Kaahtumo 3, oo marba Deegaan Cusub loo rarayo, kadib markii Ciidamada Somaliland ay cagta cagta u saareen Shirkaasi Dadka qaban qaabinayo, si uusan Shirkaasi u qabsoomin.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in ay dib uga saari doonaan Somaliland Deegaanadii ay dhowaan kala wareegtay oo ay ku jirto Xaruntoodii Taleex oo hadda Maamul Cusub uu usoo magacaabay Madaxweyne Siilaanyo.

Cali Warsame (Cali Mareykan), oo kamid ah Mas’uuliyiintii Khaatumo ee kasoo cararay Degmada Taleex, oo haddana ku sugan Deegaanka Saaxdheer ayaa Xaaladda Gobolaka Sool uga warbixiyay Radio Kulmiye ee Muqdisho.

Idale News  Online , Taleex.