Dowlada Mareykanka oo Qorsheynaya in uu Kursiga ka tuuro Uhuru Kenyatta.

0
204

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Cadaadis kaga yimid Dhanka Mareykanka laguna amray inuu wadahadal iyo is faham la galo Mucaaradka u hogaamiyo Raila Odinga.

 

American-Flag

Dawladda Mareykanka ayaa waxay Qorsheyneysaa in ay Kursiga Madaxweynenimada ka tuurto Uhuru Kenyatta oo markii lagu fiiriyo Isha Mareykanka noqday Nin aan wax Hogaamin karin Dawladiisana Musuqmaasuqna iyo Amni daro harereeysay.

Warakaan oo laga helayo Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumadda Kenyatta ayaa waxay sheegayaan in Muddo sanad ah Dalka Mareykankau Daganaa lagu soo Koolkoolinayey Raila Odinga oo ay Qaraabo dhaw yahiin M/weynaha Dalka Mareykanka Hussein Barack Obama Asalkiisunaa Kenya ka soo jeeda.

Uhuru Kenyatta M/weynaha Dowladda Kenya waa Nin Xukunkiisu iyo Xukuumadiisu ay liiq liqanayaan, waxaana si weyn looga dareemayaa Idaacaddaha reer Galbeedka oo la dhacaya Warar loogu talagalay in Qalqal kalsoonida ka lumiya Xukinkiisa.

Mareykanka ayaa dhawaan ugu baaqay Muwaadiniintiisa in ay isaga soo baxaan Deegaanadda Xeebta ee Dalka Kenya.

Idale News Online – Nairobi