Magaalada Muqdisho waxaa muddo ku dhowaad bil ku sugan madaxweynaha Maamulka lixda gobol, Madoobe Nuunow Maaxamed, waxaana kulamo aan wax natiijo ah ka soo bixin uu la yeeshay madaxda sar sare ee dowlada oo iyagu u yeeray madaxda maamulkaasi lixda gobol wadatashiga Muqdisho uga socda.
Ilo lagu kalsoon yahay oo shabakada Idale News Online heshay ayaa sheegaaya in Madaxweyne Nuunow uu cadaadis weyn kala kulmey madaxda sare ee dowlada iyo wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya inuu ka tanaasulo maamulka lixda gobol, taasi uu Madoobe Nuunow iyo wafdigiisa uu ka biya diidsan yihiin.
Wakiilka UN ee Somalia Nicholas Kay dhankiisa ku howlan dadaalo labada dhinac ee Baydhaba xarun ka dhigtay la isugu keenaayo hal maamul oo ka kooban 3 gobol ayaa kulamo gooni gooni ah la kala yeeshay maamulada lixda iyo seddexda KG Somalia ka jira. Hase ahaatee Ilaa iyo hadda ma jiraan wax ifafaalo wanaagsan oo dhinacyadaasi ku heshiiyeen ama ay diyaar u yihiin in isu soo hor fariistaan ama wax tanaasul ah ka muujiyaan.
Dhinac kale, labo qof ayaa la sheegayaa in ay magaalada Baydhabo ku dhaawacmeen ka gadaal markii maleeshiyo kala taageerta labada maamul ee ka jira Baydhaba ay Khamiistii la soo dhaafey dirir ku dhex martay magaalada.
Wasiirka Amniga ee Maamulka lixda gobol C/fataax Geeseey iyo Ku xigeenkii Maamulka Gobolka Bay Shiino Macalin Nuuroow oo isaga hadaa ah wasiir ka tirsan Maamulka lixda gobol ee Madaxweyne Nuunow ayaa waxay maamulkooda jooga magaalada ugu baaqeen in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan haddii kale ay qaaadaayaan talaabo aan la sheegin waxa ay tahay.
Joogitaanka Madaxda maamulada Koonfur galbeed Somalia ee lixda iyo seddexda ee magaalada Muqdisho ayaa dhinacyadii ku harey Baydhabo iyo kuwa jooga Muqdisho ayaa shaki iyo cabsi badan ku dhalisey dhinacyadaas, waxayna cabsi ka qabaan iney heshiis hoose ay gaaraan iyagoo aan wada tashi iyo talogalin aan lagala yeelan.
Labada maamul ee KG ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa u yeeray madaxda dowlada federaalka si wada tashi loola yeesho.
Idale News Online Baydhaba.