Baydhabo: Wararka Hada Naga soo gaaraya Magaaladda Baydhabo Janaay Ee Xaruunta Gobolka Bay, ayaa waxa ay sheegayaan in Garoonka Caalamiga ahi Ee Shaatiguud Aiport ay caga dhigatay Diyaarad Sido Madaxweynaha Maamulka 6da Gobol Madoobe Nuunow iyo Wafdigiisa.
Garoonka waxa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Ee Maamulka 6da Gobol Md Malaaq Xasan Shure Maxamuud, qaar kamid ah Wasiirada KG soomaaliya , Taliyaha Ciidamada gobolada Bay, Gedo iyo Bakool Generaal Ibraahim Yarow iyo boqolaal dadweyne ah 00 Taagyeero Maamulka 6da Gobol.
Dhan Kale , Warar Hadda soo baxayo Ayaa sheegayaan in Madoobe Nuunow Maxamed , uu Ku Talamey inuu Xilka Ka Qaadayo Labo wasiir oo Ka Tirsan Maamulkiisa Isla Markaana sida La sheegey Amar La’aan U Safarey Magaalada Muqdisho.
Saraakiil ku Agdhow Madoobe Nuunow ayaa U sheegey Shabakadda Idale News Online In arintaasi ay tahay dhab isla markaana , dhawaan la shaacin doono.
Si kastaba Ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd ka dib markii Geesey iyo Shiino Macali ay aadeen Muqdisho, taasoo shaki Galisey Gollaha guurtida Maamulka Lixda Gobol iyo weliba Shacabka, taagyeero Maamulkaasi,ayadoona Madoobe Nuunow uu Ka Maqanaa Baydhaba.
Hoose ka Daawo.
Idale News Online, Baydhaba Janaay.