Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo rajo ka muujiyay in Soomaaliya ay ku guuleysato Dacwada Badda

0
173

Muqdisho(INO)- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa rajo ka muujiyay in Dowladda Somaliya ay ku guuleysato Dacwada u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya ee ku aadan dhanka Badda.

Dr. Axmed Cali Daahir oo gaaray Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa sheegay in berito ay bilaabanayso arimaha la xiriira Dacwada, laakiin arinta beri loo fariisanaayo ay tahay is-hor istaag Kenya ay ku sameysay sii socoshada Dacwada Badda.

“Dulucda Dacwadda weli lama gaarin, kulanka berri Maxkamaddu waxeey ku dhageysaneysaa dooda Kenya ay ku hor istaageyso in Dacwadu sii socoto & dowladda Soomaaliya oo sheegtay  in aysan dooneyn in ay wax wadahadalo ah kala gasho Kenya arrintaas.” Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir,

Maalinta Beri ah oo arimaha Dacwada ay bilaaban doonto ayaa waxaa hadalka lagu bilaabi doonaa Dowladda Kenya, gaar ahaan Garyaqaanka Kenya u doodaya.

“Garyaqaanka Kenya ayaa maalinta berri hadalo ka jeedinaya Maxkamadda, annagu maalinta Talaaddada ah ayaanu ka hadli doonaa, waxaanna 100% rajo wanaagsan ka qabnaa in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto dacwadda, waana sidaa sida saxda ah marka laga eego sida sharciga caalamiga ah uu dhigayo” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

“Kenya waxeey tiri muranka badda waxaa ka  wadahadlaya Kenya & Soomaaliya, looma baahna in Maxkamadda caalamigu soo farageliso, Dowladda Soomaaliyana arrintaasi gaashaanka ayeey u daruurtay,  maadaama kulamo badan oo labadda dal horay u dhexmartay lagu guuleysan waayey” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka, wuxuuna intaasi raaciyey in wefdigiisa ay maanta gelinta dambe & caawa ku soo biiri doonaan xubno kale oo ka kala socda Dowladda, ururada bulshada & aqoonyahanno.