DEG DEG: Qab Qable Sare Oo Gobood Falo Ka Geystey G/Sh/Hoose Oo Weerar Ismiindaan Ah Lagu Diley Muqdisho

0
180

Muqdisho(INO)- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Albaabka hore ee xerada guul wadayaasha, kuna dhow xarunta wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari uu saarnaa Taliyaha guutada Saddexaad ee ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Maxamed Jimcaale Rooble Goobaale.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay gaariga uu saarnaa Jeneraalka, iyadoo uu jiro khasaare kale oo soo gaaray askartii la socotay Jeneraalka.

Wararka waxay sheegayaan in Jeneraalka uu u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray, welina ma jirto faah faahin intaan  ka badan oo weerarkaan laga helay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale