Baydhabo(INO)-Iyadoo dhawaan la bilaabey la xisaabtanka wasaaradaha dowlada koonfur Galbeed soomaaliya,isla markaana qaar ka mid ah Wasaaradaha laga dhaqeystey, warbixino ku aadan waxqbad kooda intii ay jireen taasoo horey Madaxweynaha Maamulka koonfur galbeed uu ugu amrey in wasaaradaha cusub looga fadhiyo shaqo badan iyo in ay ka saaraan Shacabka Koonfur Galbeed Xabsigan kor ka furan oo in mudo ah ay ku jireen, ayaa wasaaradda macdanta iyo biyaha KG Soomaaliya waxay ku mashquulsan tahay baahinta xafiiskyada wasaaraddaasi.
Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Macdan Dowlada Koonfur Galbeed soomaaliya Mudane Aadan Xasan Maxmed ( Usaama) ayaa sheegey in dhawaan la furayo xafiiska Guud ee wasaaradda biyha iyo macadanta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana haatan ay ku mashquulsan yihiin qalabeynta xafiiska Wasaaradda Biyaha Iyo macdanta KG Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda biyaha iyo macdanta dowlada koonfur Galbeed soomaaliya ayaa Sidoo kale sheegey in wasaaradiisu ay xooga saari doonto wax kaqabashada faydhoorka biyaha iyo ka hortaga yaraanshaha biyaha oo xilliyaga qaar ay ku dhibtoodaan shacabka helintaanka biyaha, waxaana intaa ku darey in wasaaradiisu ay sameyneyso tira koob rasmi ah oo lagu sameenayo ceelasha biyaha, baliyada iyo wakaalada biyaha ee degaanada daowlada koonfur galbeed soomaaliya.
Ugu Dambeyntii, tan iyo markii ay burburtey dowladii dhexe ee soomaaliya, ma jirin ilaalinta biyaha iyo macdanta koonfu galbeed soomaamliya, ayadoona dadka ay ku dhibtoodaan la herdinka baahida koowaad ee Noole kasta uu u baahinyahay inuu heliyo, oo ah biyaha, isla markaana Qaar ka mid ah shirkado shisheeya ay bilaabeen si dhuumaaleysi ah in ay ula soo baxaaan macadanta Guud ee soomaaliya gaar ahaan dhulka dowlada koonfur galbeed soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.