Kenya(INO)–Ciidamada difaaca Kenya ayaa sheegay inay dileen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Lamu oo ku dhow xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Col David Obonyo afhayeenka ciidanka meletariga Kenya ayaa sheegay in shan ruux oo hubeysay ay dileen, halka seddex kalana ay ku dileen keynta Boni oo ku dhow deegaanka Basuba.
Afhayeenka meletariga Kenya wuxuu sheegay in dadkaasi aysan heysan wax cadeymo ah, laakiin ay kaga shakiyeen inay ka tirsan Alshabaab oo weeraro ay qorsheynayeen.
“kadib markii weerarka ay uu ka fashilmay, ciidamadeena waxay kaga hortageen keynta waxayna dileen seddex inka badan, waxaa nasiib daro ah inta weerarka uu socday inaan weynay askari naga mid ahaa”ayuu yiri afhayeenka ciidamada meletariga Kenya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qaar kamid ah Alshabaab ay ka baxsadeen koobta iyagoo dhaawac ah, sida uu hadalka u dhigay.
Seddex kamid ah ciidamada kenya oo weerarka ku dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Mombasa, sida uu sheegay afhayeenka meletariga Kenya.
Idale News Online, Kenya.