Xaaladii Ugu Darneyd Oo La Soo Deristay Degmada Diinsoor

0
236

Diinsoor(INO)- Xaaladii ugu adkeyd muddo sanado ah, ayaa xilligan ka jirta Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay, ka gadaal markii ay Degmadaasi go’doomiyeen Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka & Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa 24-kii bishii July la wareegay gacan ku haynta Degmadaasi, markii ay isaga baxeen mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Dagaal-yahanada Shabaabka oo soo buuxiyay wadooyinka soo gala Degmadaasi, ayaa waxay xanibaado ku soo rogayn gaadiidkii ganacsiga keeni jira Degmada Gobolka Baay ka tirsan.

Shabaabka, ayaa ugu cago jugleeyay milkiilayaasha gaadidka iyo wada-yaashaba, inay tallaabo adag ka qaadi doonaan, haddii gaadiidkoodu wax ganacsi ihi keenaan Degmada Diinsoor.

Diinsoor

Dadka reer Diinsoor, ayaa soo sheegaaya in qiimo koror uu ku yimid qiimihii la kala siisan jiray quutul daruuriga. Kiilada sonkorta oo kale waxaa iminka Degmadaasi laga kala siisanayaa lacag ku dhow laba dollar oo lacagta Mareykanka ah.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in sicir barar baahsan laga dareemay Degmada Diinsoor, iyadoona ay walaac ka muujinayaan qiimo kororka xoogan ee ku yimid quutul daruuriga.

Ganacsiga la keeno Degmadaasi Diinsoor, ayaa waxaa laga kala keennaa Magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo, waxaana xilligan adag in gaadiid ganacsi ay soo gaaraan Degmadaasi.

Ciidamada Dowladda & Amisom, ayaa waxay ku fashilmayn inay go’doominta ka saaraan Degmada, iyagoona ku eg fariisimaha ay ku leeyihiin duleedyada Degmadaasi. Shabaabka waxay ku jiraan dhammaanba wadooyinka soo gala Degmadaasi.

Xilliyada qaarkood marka ay Ciidamada Huwantu isku deyaan inay Shabaabka ka saaraan wadooyinka, ayaa waxaa dib loogu soo celiyaa Degmada, sababo ku aadan iyagoo iska caabin buuran kala kulma dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab.

Idale News Online, Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here