Xoogaga Taalibaan oo la wareegay magaalo ka tirsan gobolka Helmand ee Afghanistan

0
192

Sangin(INO)— Dagaalyahano ka tirsan Ururka Taalibaan ayaa la wareegay magaalada Sangin ee ka tirsan Gobolka Helmand ee dalka Afghanistan, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay go’doomiyeen, kadib weeraro culus ay ku qaadeen.

Saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa sheegay in Taalibaan ay guulo ka gaareen dagaalka Sangin, ayna la wareegeen xarunta dhexe ee booliska magaalada Sangin.

Dagaalo culus ayaa ka socday qeybo ka mid ah Sangin, waxaana kooxda Taalibaan ay qabsadeen xarumihii maamulka iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

Boqolaal qoysas ayaa ka barakacay dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in goobo hor leh la wareegeen.

Illaa sagaashan askari oo ka tirsan ciidamada Afghanistan ayaa lagu dilay dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Sangin.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Helmand ayaa sheegay in dowladda Afghanistan aanay ka helin wax taageero ah, isla markaana warqad uu u diray Madaxweyne Ashraf Ghani waxaa uu ka cawday in kaalintii dowladda ay wali maqan tahay.

Taalibaanka Afghanistan ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay magaalooyinka ay la wareegeen amnigooda Ciidamada Afghanistan.

Idale News Online, Sangin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here