Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh “Cadaalad Darro Ma Aqbali Donno”

0
227

Baydhabo(INO) — Madaxweynaha Dowlada Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan oo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku laabtay ayaa sheegay in aysan marnana aqbali doonin wax cadaalad-darro ah, isagoo sheegay in habka awood-qaybsiga 4.5-ka ay u arkaan inuu yahay nidaam cadaalad ah.

Shariif Xasan oo ka Qayb-galay kulankii Wada-tashiga ahaa ee magaalada Muqdisho lagu qabtay toddobaadkii hore ayaa sheegay in marnaba maamulkiisa aanu ogolaan doonin in la si kale loo rogo hanaanka wax loo qaybsanayo ee 4.5-ka ah.

“Waxaan shirkii Muqdisho ka dhacay geeyay aragtida shacabka deegaannada Koonfur-galbeed ka taliyo, taasoo ahayd in xildhibaannada sannadka soo socda ee 2016-ka lagu soo xulo nidaamka 4.5-ka ah,” ayuu yiri Shariif Xasan oo warfidiyeenka kula hadlay Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur-galbeed Somalia ayaa hoosta ka xariiqay in hannaanka ay doonayaan ee afarta beelood & barka ah ay u arkaan inuu yahay hannaan cadaalad, isla markaana ay Soomaalidu wax ku qeybsan karaan.

Sidoo kale, Shariif Xasan oo ka hadlay shirka ka dhici doona bisha soo socda magaalada Kismaayo ayaa sheegay in lagu gaari doono go’aan kama dambeys ah oo la xiriira habka ay u dhici doonto doorashada sannadka 2016-ka ee soo socda.

Dhawaan ayay maamulada Koonfur-galbeed iyo Galmudug soo jeediyay in xildhibananada lasoo xuli doono 2016-ka lagu saleeyo nidaamka 4.5-ka, kaasoo ah habka ay dowladda FS Somalia ku dhisan tahay.

Ugu dambeyn, maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyana soo jeediyay in doorashada soo socota lagu saleeyo hab deegaan, iyadoo intii uu socday shirkii ka dhacay Muqdisho ee looga hadlaya doorashada labadan qodob ee kala duwan si aad ah la isugu qabtay, inkastoo aan weli go’aan rasmi ah laga qaadan

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here