Xaalada Goof-gaduud Ee Gobolka Bay oo Saaka Degan

0
187

GoofGaduu(INO)— Xaalada deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa saaka ah mid degan, kaddib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dib ula wareegeen.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa muddo saacado ah gacanta ku hayay gelinkii hore ee shalay, markii ay dagaal kula wareegeen.

Koofur galbeed ayaa sheegday in ciidamo u direen deegaanka, isla markaana xaalada iminka tahay mid degan oo dib gacantooda ugu soo laabatay deegaanka.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa koofur galbeed iyo Al-Shabaab ayaa labo jeer deegaankaas ka dhacay.

Deegaanka Goof-gaduud ayaa qiyaastii 30 km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana deegaankaas uu amnigiisa muhiim u yahay magaalada Baydhabo.