Baydhabo(INO)- Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay Ayaa sheegeen inay garab istaagin doonaan Gabdhaha Garoobada ah ee Ku nool Magaalada Baydhabo.
Hodon Maxamed Xasan, Gudoomiyaha Garoobada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Aas aastey Ururkan ayaa sheegdey in hada ay haayaan865 Hablood oo garoobo ah iyadoona xustey inay jiraan dhibaatooyin ka ay haysto Dumarkaas.
Gabdhaha Garoobada ah Ee Baydhabo ayaa intood badan day’dood ay u dhexeysa 14 -25 sano ayaa waxay ka Codsadeen Hay’adaha iyo Dad weynaha Soomaaliyeed inay garab istaagaan ayna u sameeyaan shaqo abuur.