Wararka ka soo baxaaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay wateen Saraakiil Cadaan ah kuwaasi oo geeyay Xabsi ku yaalla Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho halkaas oo Su’aalo ay weydiiyeen Saraakiil Cadaan ah, waxuuna sheeku diiday in uu wax Jawaab ah ka bixiyo.
Sheekha Aweys ayaa loo Celiyay Xabsiga Nabad Sugida ee Degmada Shibis iyadoo warar nasoo gaaraya ay sheegayaan in Xasan Daahir uu ku kacay Cudurka Dhiiga karka oo uu Horay u qabay.
Xarunta Xabsiga uu ku jiro ayaa ilo Wareedyadu waxa ay inoo sheegayaan in loogu Geeyay Dr Cubeyd Daahir Aweys oo ah Walaalkiis si uu halkaasi ugu Ogaado Xaaladdiisa Caafimaad.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Xalay xilli uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa Jeelka u taxaabay Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed.
Idale News Online