Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM Section 2 ama taliska labaad, saldhigooda Kismaayo inay ku xadgudbeen hawshii loo idmaday ee nabad illaalinta Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu galabta qabtay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Cabdishakuur Cali Mire ayuu ku sheegay in ciidamada AMISOM ee ka hawlgalaya magaalada Kismaayo ay ka qeyb qaateen dagaaladii sadexda maalmood ka socday Kismaayo dhex marayay dhinacyada Soomaalida ah, ayna la safteen dhinac ka mid ah kuwii dirirtu u dhaxaysay.
Wasiirku wuxuuna tilmaamay in ciidamadaasi ay u isticmaaleen madaafiicda cul-culus, goobaha rayidka taasoo keentay dhimasho, dhaawac, barakac iyo boob hanti dadweyne.
“Ciidamada AMISOM Section 2 ama taliska labaad loo yaqaano waxay xireen taliyihii ciidamada dawladda ee Kismaayo Col. Cabaas Ibrahim Gurey, oo aan xarigiisa wax wargelin ah laga soo siin dawladda,” ayuu yiri Wasiirka oo xusay in sidoo kale ciidamadani ay duqeyn dhimasho iyo dhaawacba sababtay u geysteen xarunta ciidamada dawladda ee Kismaayo.
“Dawladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa ficiladan mid si toos ah uga hor imaanaya qaraarkii Golaha Ammaanka ee ay ku ogolaatay howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM” ayuu mar kale yiri Cabdishakuur Cali Mire.
Sidaas daraadeed, dawladda Soomaaliyeed waxay soo jeedineysaa talooyinka soo socda si loo joojiyo colaada loona xasiliyo dalka:-
- In Ciidamada AMISOM Sector two, lagu bedelo ciidamo ka socda dalal kale oo Midowga Afrikaa kuwaas oo ah dhex-dhexaad.
- In la sameeyo guddi xaqiiqo baaris si loo ogaado baaxada dhibaatada ka dhalatay dagaaladaas.
- Dawladda Soomaaliyeed waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah loo sii daayo taliyaha ciidamada dawladda ee u xiran ciidamada AMISOM Sector two, si uu waajibkiisa ciidan u guto.
- Dawladdu waxay soo jeedineysaa in la magacaabo sarkaal Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha siyaasada ee goboladaasi (Political officer), kaasoo aan u dhalan wadanka ay ka soo jeedaan ciidanka AMISOM Sector two.
- Dawladdu waxay soo jeedineysaa in la sameeyo faragelin Bani’aadaminimo (Humanitarian Intervention), si gargaar loola gaaro dadka halkaasi ku waxyeeloobay, gaar ahaana dhaawaca shacabka.
DHAMAAD
Ahmed Adan
Xiriirka Warbaahinta Xafiidka Ra’iisal Wasaaraha Muqdisho, Soomaaliya Email: media@opm.gov.so