Ceel-Berde:Xaalado caafimaad-darro ayaa laga soo sheegayaa degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Madaxa howlwadeennada waaxda caafimaadka maamulka gobolka u qaabilsan Ceelbarde Dr. Maxamed Cali Faahiye ayaa sheegay inay aad u hooseyso howlaha caafimaad ee degmada.
Wuxuu sheegay inay jiraan dad farabadan oo u dhintay xanuunno kala duwan oo deegaanka lagu arkay.
Dr. Maxamed ayaa tilmaamay in cudurrada ku dhaca Neef-mareenka, kaadib-mareenka, cudurrada qaaxada, cagaar-showga iyo mallaariyada ay la iil-daran yihiin dad badan oo deegaanka ku nool.
Wuxuu sheegay in haddii aan si dhaqse leh loo helin kaalmo caafimaad ay xaaladda noqon karto mid halis ah.
Gobolka Bakool l oo dhac koonfur galbeed soomaaliya ayaa intiisa badan waxa gacanta ku haysa kooxda islaamiga ah ee soomaalida Al-Shabab , taasoo dagaal xoogan kula jirto DF soomaaliya iyo ciidamada howlgalada midowga Afrika ee AMISOM.
uga dambeyntii qayla dhaantan ayaa imaneysaa xilli mudooyinkii dambe laga soo sheegayey in degmada ceel-berde ka jirto xaalad bini’aadanimo iyo xaalad caafmiaad daro.
Idale News Online, Bakool, Somalia.