Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shaaciyey magacyada murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada ee u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland shanta sano ee soo socota, Guddoomiyha Guddiga doorashada Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad ayaa shalay galab kadib markii uu soo idlaaday waqtiga qabashada araajida murashaxiintu, wuxuu warbaahinta usoo gudbiyey liiska murashaxiinta rasmiga ah ee ku tartami doona doorashada dhici doonta maalinta Arbacada ee ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014.
Magacyada murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa kala ah: C/raxmaan Maxamed Faroole, Cali Xaaji Warsame, C/weli Maxamed Cali Gaas, Shire Xaaji Faarax, C/daahir Maxamed Yuusuf Yeey, Cali Cabdi Awaare, Cali C/qaadir Yuusuf, C/weli Maxamuud Guray, Maxamuud C/raxmaan Cuuke, C/laahi Siciid Samatar iyo Maxamed C/nuur Xirsi.
Xilka madaxweyne ku xigeenkana waxaa u tartami doona: C/samad Cali Shire, Daahir Xaaji Khaliif Maxamed, C/risaaq Maxamed Cumar, Maxamed Xirsi Ducaale, Maxamuud Caydiid Dirir, Axmed Cilmi Cismaan Garaash, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar, Xusen Xaashi Xasan, C/laahi Cali Xirsi Timacade iyo C/laahi Daahir Maxamuud.
Maanta oo ay bishani tahay 7 ayey murashaxiintaasi golaha wakiilada ka horjeedin doonaan taariikh nololeedkooda oo kooban iyo weliba waxyaabaha ay qaban doonaan haddii ay doorashada ku guuleystaan, iyadoo maanta ku xigta 8-da bishan uu barlamaanku cod u qaadidoono waxaana ruuxii ugu cod bata uu noqondoonaa Madaxweynaha puntland ee 5-sano ee soo socota.
Idale News Online, puntland.