NY(INO)- Gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka ayaa go’aamiyey in dib loo tiriyo codadkii doorashada Maraykanka ee dhacdey 8 Nofeember 2016.
Musharaxa Xisbiga Cagaarka Jill Stein oo iyadu aan helin codad badan ayaa dalabadey in codadka dib loo tiriyo, waxaana ay heshiis la gashey guddiga Doorashada ee State-ka Wisconsin.
Codadka dib loo tirinaayo ayaa ka badan 3 milyan oo codad, kuwaas oo gacanta lagu tirinaayo. Tirinta codadka ayaa la doonayaa in ay dhamaato ka hor inta aan Elctrol College-ku u fariisan doorashada Donald Trump 19 Diseembar.
Dhaqaalaha ku baxay dib u tirinta warqadaha codeynta oo gaareysa hal milyan oo Dollar waxaa bixiyey ol-olaha doorashada ee Xisbiga Cagaarka.
Michigan iyo Pennsylvania
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in gobolada Michigan iyo Pennsylvania iyagana ay dalbato Haweeneyda u sharaxneyd Xisbiga Cagaarka ee Jill Stein, in dib loo tiriyo.
Jill Stein ayaa sheegtey in ol-oleheedu ay dib u tirinta codadka u ururiyeen adduun dhan 5 Milyan oo Dollar.
Sababta ka danbeysa tirintan ayaa ah kadib markii koox aqoonhan dhanka Kunbuyuutarada ah ay sheegeen in ay dhici karto in saddexdaas gobol Mashiinada codeynta loo dhacay oo wax laga beddeley tirada si Trump u soo baxo, waxaana ay Hillary Clinton ka dalbadeen in ay xujeyso in dib loo tiriyo codadka. taageerayaasha Trump ayaa aaminsan in haweeneyda Xisbiga Cagaarka ka socotey ay isticmaaleyso Hillary Clinton maadaama iyadu aysan codad badan ku helin doorashadii.
Gobolka Wisconsin Hillary iyo Trum waxcaa u dhexeeya 27000 oo cod Pennsylvania 70 000 oo cod Machigan 11 000 oo cod.
Codadka dadweynaha ee inta abdan ay ku kala abxaan dalalka Caalamku waxaa ku guuleysatey Hillary Clinton, halka Trump uu ku guuleystey Elctrol College-ka 290 ergay, iyada oo looga baahnaa 270 EC, inkasta oo gobolka Machigan aan weli lagu dhawaaqin natiijadiisi.
Waxaa la is weydiinayaa haddii codadka gacanta lagu tiriyey iyo tirada Mashiinku soo saarey ay kala duwanadaanaan sida xaalku noqonaayo.
Idale News Online, NY