Dhageyso:7 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Ninkii Ka Dambeeyey Oo La Qabtey

0
181

Muqdisho(INO)= Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Maanta ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi. Gaari nuuca raaxada ah ayaa loo adeegsaday Qaraxa ka dhacay degmada Waabari.

Inta la xaqiijiyay 9 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxa ka dhacay Muqdisho tiro ka badan 13 qofna waa ay ku dhaawacmeen. Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa Beerta oo ah  meel saxmad badan oo dadka ay ku ganacsadaan.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegaya in saacado ka hor uu maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xarun cusub oo  ay furatay Jaamacadda Umada Soomaaliyeed  Khudbad ka jeedinaayay ayaa sheegay in la qabtay ninkii ka dambeeyay Qaraxa.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa Asna sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii watay gaariga qarxay, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Halkan Ka Dhageyso