Ugu yaraan 26 qof ayaa lagu soo warmayaa inay ku dhinteen weerarkii xalay ka dhacay magaalada mpekotonin ee degmada LAMU.Wararku waxay sheegayaan in koox dhan kontanmeeyo oo wata calan u eg midka Alshabaab ay magaalada soo galeen kadibna ay rasaas ooda kaga qaadeen dabna qabadsiiyeen saldhigii booliska magaalada.Weerarkan ayaa noqonayaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca gudaha Kenya marka laga reebo kii kal hore ka dhacay Westgate.
Dableeys weerartay deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan degmada LAMU ayaa la sheegay gubeen saldhigii Booliska lana baxsadeen laba baabuur iyo hub kadibna ay sii wadeen weerarkoodii iyagoo beegsanaya dhowr hoteel u kuyaala magaalada. Hoteelada la weeraray waxaa kamid ah Farmers Hotel.
Dadkii deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay u qaxeen duurka. Goobjooge u waramay wargeyska The standard ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay 6 meyd oo dariiqyada yaala
Dableeyda weerarka soo qaaday ayaa lagu waramayaa inay kusoo weerar tageen baabuur ay soo afduubteen. Meydadka la arkay waa kuwo la toogtay.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay xili khilaaf weyn uu soo kala dhex galay mucaaradka iyo xukumada Uhuru Kenyatta.Mucaaradka ayaa codsaday in la qabto wada xaajood qaran hadii taas dhici weydana ay dhigi doonaan banaanbaxyo waa weyn halka madaxweyne Uhuru uu ku adkaysanayo inuusan la hadlaynin mucaaradka dhawaaqooduna uusan hakin doonin howlihii dowlada.
Dadka deegaanka ayaa ku soo warmaya in xabadu ay socotay muda afar saacadood ah dableyduna ay tooganayeen cid kasta oo ay indhaha saaraan.
Goobaha ay weerareen waxaa kamid ah hoteelo, saldhig Boolis, Bangi iyo goobo kale
Idale News Online