Imaamka Beesha Habar gidir Imaam Khaliif C/llaahi Rooble ayaa ka soo horjeestay qorshe dowlada Somalia ay ku dooneysay in magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose looga saaro maleeshiyada ka soo jeeda beeshaas ee dhowaan qabsatay.
Imaam Khaliif C/llaahi Rooble ayaa sheegay in qorshahaas uu yahay mid guracan oo sii hurinaya colaad beeleedyada ka aloosan gobolka Sh/hoose, isagoo xusay iney maleeshiyada la wareegtay magaalada Marko aysan jirin cid ay dhibaato u geysteen.
“Ciidamadii qabsaday Magaalada Marko ee shacabka dib u dejinta u sameeyay oo guryahoodii dadka nabad ay ku joogaan calanka Soomaaliyana ka taagay ayuu Wasiirka Gaashaandhigu ku yiri kasoo baxa Magaalada, wax caqli ahna ma ahan taasi” ayuu yiri Imaamka Beelaha Habargidir.
Arintan ayaa ku soo aadeysa xili maalintii labaad ay booqasho ku joogaan magaalada Marko wafdi wasiiro ah oo ka socda dowlada federaalka Somalia kuwaasoo howlo dhexdhexaadin ah ka wada degaanadaas oo todobaadyadii u dambeeyey ay ka jireen dagaal beeleedyo khasaare badan geystay.
Wasiirka gaashaandhiga Somalia oo wafdigaas horkacaya ayaa shalay ku wargeliyey maleeshiyada beesha Habar Gidir inay ka baxaan magaalada Marko iyo degaanada kale ee ay ku qabsadeen dagaaladii u dambeeyey si loo dhigo gogol nabadeed.
Golaha wasiirada xukuumada Somalia ayaa maalinimadii khamiistii isku raacay in magaalada Marko iyo degaanada la xiriira ay ka baxaan maleeshiyaadkii qabsaday si gogol nabadeed loo dhigo.
Idale News online.