Weerar lagu Qaaday Hoteel Saxafi iyo Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaan

0
196

Muqdisho(INO) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar xoogag ka tirsan Al-shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen dhismaha Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa ku billowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiya oo lagu jabiyay albaabka laga galo hoteelkan, iyadoo markaas kaddibna ay kooxo aad u hubeysan gudaha u galeen hoteelka, iyadoo weli la maqlayo rasaas dhacaysa.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay weerarka ayna xoogagooduna ay weli ka dagaallamayaan gudaha hoteelka Saxafi, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ay geysteen iyo midka loo geystay.

“Alle mahaddii waxaa ah in xoogaggeennau ay qabsadeen dhismaha hotel Saxafi oo dhan, kaasoo ay deggenaayeen xubno ka tisran dowladda Somalia iyo xubno ka tirsan dalalka soo duulay,” ayuu afhayeenka Al-shabaab Sh. C/casiis Abuu-Muscab ku sheegay hadal uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.

Sidoo kale, Sh. Abu-Mucab ayaa sheegay in xoogaggoodu ay hadda howlgallo gaar ah kawadaan gudaha hotel Saxafi, inkatsoo uusan sheegin howlgaladan nooca ay yihiin iyo sida loo fulinayo.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan, isagoo ka mid noqonaya weerarro dhowr ah oo sannadkan oo keliya lagu qaaday hoteello dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hotel Saxafi ayaa ku dhow xarunta dambi-baarista booliiska Somalia ee CID, iyadoo la xiray waddada marta halkaas, ciidammo badanna ay dhooban yihiin agagaarka hotel Saxafi.

Wixii kusoo kordha weerarkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Idale News Online  haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here