Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel Saxafi iyo rasaas wali laga maqlayo gudaha Hotelka

0
212

Muqdisho(INO)— Rasaas ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho. kadib markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerareen Hotelkan, waxaana adag ilaa iyo hada in la helo faah faahin rasmi ah.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax weyn oo lagu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu jebiyay albaabka hore ee Hotelka ee dhanka Laamiga wadada hor marta CID, waxaana kadib bilowday in dabley hubeysan oo gaari ka soo degay inay galaan, oo ay is rasaaseyn dhex marto Ilaalada Hotelka.

Ugu yaraan illaa shan ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, inkastoo laga yaabo in khasaaraha uu sii kordho, maadaama wali rasaasta ka socoto gudaha Hotelka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu bilowday abaarihii 6:45 daqiiqo, xilligaasoo mar kaliya laga war helay qarax xoogan, dadka Muqdisho ayaan u baran qaraxyada waabarigii hore dhaca, xaalada magaalada ayaana u muuqata mid ka adag sidii horay ay dadka ugu soo toosi jireen ee degenaanshaha ahaa.

Qof goob jooge ahaa oo ka ag dhow Hotelka ayaa u sheegay Idale News Online inuu arkayay baabuurta gurmadka deg dega oo qaadayay dhaawacyo iyo dad uu maleynayo inay meydad yihiin, inkastoo aanu tiradooda sheegin.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba xiray wadooyinka soo gala Hotelka, iyadoo rasaasta gudaha ka dhaceysa aanay u badneyn sidii xooga laheyd ee saaka markii uu weerarka bilaabanayay.

War goor dhoweyd na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay gudaha u galeen Hotelka, waxaana nawaaxiga Hotelka ku sugan ciidamada kala duwan ee dowladda iyo kuwa AMISOM.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku soo qoray in wali dagaalyahanadooda ay gudaha ugu jiraan Hotelka, isla markaana ay howl gal ka wadaan.

Ma jirto wax war ah oo illaa iyo hada ka soo baxay laamaha ammaanka, waxaana saraakiisha ammaanka ay ku gaabsadeen in howl galka wali socdo, wixii warbixin ah ay gadaal ka soo sheegi doonaan.

Hotel Saxafi ayaa ku yaall Isgoyska mashquulka badan ee KM4 ee degmada Hodan, hotelkan ayaa waxaa degan mas’uuliyiinta dowladda, sida Xildhibaanada, saraakiisha, siyaasiyiin iyo dadka dibadaha ka yimaada, waa hotel amnigiisa aad loo ilaaliyo oo ka soo hor-jeeda Xarunta Dambi baarista ee CID.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here