Webiga Shabeelle oo ah Webiga Labaad ee Soomaaliya mara, ayaa wuxuu xilligaan bilaabay in uu ku fataho qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Deegaanada Baqdaad iyo Xawaadley, ayaa la soo sheegayaa in uu ku fatahay Webiga Shabelle, inkastoo aan weli la soo sheegin cid wax ku noqotay.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo midka Degmada, ayaa waxay gurmad deg deg ahaan ugula la carareen ilaa 2000 oo jawaano ah, oo caro laga buuxiyay, iyadoo loo adeegsanaayo ka hor tag ahaan.
Sababaha uu u fatahay Webiga Shabelle, ayaa waxaa lagu sheegay iyadoo ay roobab ka da’een Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo uu maro Webiga Shabelle.
Webiga Shabelle marka uu biyo badan keeno, ayaa wuxuu ku fatahaa deegaanada uu maro, sida deegaanada ku xeeran Magaalada Jowhar.
Idale News Online.