Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in hadda ka dib aysan jiri doonin xildhibaan laga yeelaayo in uu ka maqnaad0 fadhiyada baarlamanka, isagoona intaas ku daray in tallaabo laga qaadi doono.
Shir ay xildhibaanadu Arbacadii yeesheen ayaa arrintan looga dhawaaqay, kaddib markii uu baaqday ka doodista heshiis dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ku aadan dhinaca difaaca la xiriira.
Mudane Jawaari ayaa ku tilmaamay caqabadaha ay hab-sami u socodka howlaha baarlamanka ku keenayaan maqnaashaha xildhibaanada, sidaas darteedna in aanloo dul qaadan doonin xildhibaannada iska maqan xilli ay shirarkii baarlamanku socdaan.
Guddoomiye Jawaari oo sharraxayay tallaabooyinka laga qaaday xildhibaanka maqnaada, ayuu sheegay in xildhibaan kasta oo ka baaqda saddex kulan oo xiriir ah, loo jeedin doono canaan iyo digniin, halka xildhibaanka toddobo cisho maqnaadan ganaax looga dhigi doono in mushaarkiisa laga jaro $600.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa wuxuu tilmaamay inay jiraan xildhibaanno kulamada baarlamanka ka maqnaada 25-maalmood iyo ka badan, kuwaasina wuxuu sheegay in guddiga anshax marinta ee baarlamanka uu arrintooda si gaar ah u eegi doono.
Aragtidaada ka soo dhiibo go’aanka ka soo baxay guddoonka baarlamaanka?
Idale News Online, Muqdisho.