Baydhabo(INO) -Wasiirka War Faafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa Ka Hadley Nuxurka Ujeeda Safarka Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke uu ku yimaadey Magaalad Baydhabo Ee Xarunta Gobollka Baydhabo.
Wasiirka ayaa Sheegey in Ra’iisal wasaaraha uu Xaley Casho Sharaf looga Saameeyey Gudaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona sheegey in RW, uu la kulmaayo Gollaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa kale uu tilmaamey in Maalmahan maagadala Baydhabo ay soo gaarayaan Wufuud kala Gedisan oo Xeer caalami ah ,waxaa kale uu intaa raacey inuu amaanka Magaaladu uu yahay mid la isku halaan karo.
“Baydhabo waxaa Caawa Nala Joogo RW, CCC Sharm’arke, waxaa casho sharaf iyo Soo dhaweyn ballaaran looga Sameeyey isaga iyo wefidigiisa Gudaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa u kuur galaya Xaalada Siyaasada, Amniga, dhismaha Baarlamanka iyo Sidoo kale kulumo ayuu la yeelanaya Gollaha Odayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka War faafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu tilmaamey in RW, Dowlada Federalka Soomaaliya uu doonayo in uu wax ka qabto arimaha bulshada iyo Sugida Amaanka Guud ahaan Dalka , isla markaana uu kala tashanaayo Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa u muuqata mid soo hagaageyso isla markaana maal mahan waxa soo gaareya Wufuud kala kuwan iyadoona Amaanka uu yahay mid yara wanaagsan.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.