Baydhabo(INO)- Odayaal Dhaqmeedyo, Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Gobollka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya oo maanta Shir Ja’raa’id ay ku qabteen Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa si kuluul ugu hadleen Hadalo ka soo yeerey Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqmeedyo kuwaasoo sheegey in Gobolka Bakool ay ka leeyihiin 3 Degmo, kuwaasoo kala ah; Degmada Ceelberde, TuulooyinkaYeed iyo Aato.
Odayaashan ayaa u digey Xildhibanada iyo kuwo kale ee ku halan Dhul boobka barer ah sida ay sheegeen isla markaana waxa kale ay Hoosta ka xariiqeen in aysan indhaha ka fiirsaneynin isla markaana tilaabo cadna ay ku dhaqaaqayaan.
“ Gobolka Bakool waxa uu ka Kooban yahay 5 degmo, waxaana iska leh dhamaan Beesha Raxanweyn, Beesha Ogaadeen oo Maanta doonayso in baarlamanka laga siyo 4 Xubnood sidoo kale ay ku doodayaan in kala bar Gobolka Bakool iyagu leeyihiin, maamulka waa uu ka hadli waayey dhul boobkaasi, annagu hadii aynu nahay bulshada Gobolka Bakool indhaha kama laabaneyno” ayuu yiri Malaaq Cali Aadan Wiir
“ Ujeeda ka dambeyso tagitaanka Xildhinaada Degmada Ceelberde waynu ognahay, waxay doonayaan in degmo ahaan ay isugu sumadaan oo sanadka 2016 loo Xisaabiyo, Xildhibaano ayaa tagey lagama lahaan karo dhul dadkiisa joogo, Maamulka Degmada Ceelberde waa la qiibsan jirey waxba ka lahaan jireen, Hada waxay ka faa’ideysteen Al-shabaab oo dhexda ku jirto, Dadkii oo dhan Al-shabaab ayay ku eedayeen” ayuu yiri Mar kale Malaaq Cali Aadan Wiir oo ka mid odayaasha Gobolka Bakool.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Gobolka Bakool, weli kama uu san hadlin Booqashada Xildhibaanada tagey Degmada Ceelberde iyo weliba damaca dheer ee Beesha Ogaadeen ay ku dooneyso inay ku sheegato Degmooyin iyo Degaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii, Beesha Ogaadeen iyo Majeerteen ayaa la sheegey in Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka heleen ilaa iyo hada 4 Xubood oo Ogaadeen ah iyo 2 Xubnood oo Majeerteen ah oo ay ka soo galeen Gobolka Bakool.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Xafiiaka Baydhabo