Wasiirka Gaashaandhigga “Ciidanka Xoogga Dalka Kuma Lug Yeelan Karaan Wax Ka Baxsan Waajibaadkooda”

0
209

Muqdisho(INO)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee  dirirtu u dhexeyso inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka, oo ay wada-hadal ku xalliyaan khilaafkooda, isagoo dhinaca kale tilmaamay inaanu hayn warbixin cad oo sheegeysa in qaar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay dagaalka ku lug lahaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasto oo ay ku sugan yihiin aysan ku  lug yeelan karin wax ka baxsan waajibaadkooda qaran ee ah difaaca dalka, wuxuna xusay in baaritaan lagu sameyn  doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkaas iyagoo adeegsanaya magaca Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo dad Soomaaliyeed ay qaarna ku naf waayeen qaarna ku dhawacmeen, waana arrin tiiraanyo leh in dad Soomaaliyeed waqtigan la joogo  ay dhib isku geystaan.”

“Waxaan kale oo rabaa in aan halkaan ka sheegno in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu  tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin, cid walba oo ku xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxaana loo aqoon sanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Diini.

War-saxaafadeed shalay kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalkii shalay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay ka qeybqaateen ciidamo ka mid ah xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo tababar ku qaadanayay gobalka Galgaduud.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here