Wasiirka Gaashaandhiga “Waxaan kala Saareynaa Generaalka Saxda ah iyo Kuwa Bugta”.

0
184

Wasiirka Difaaca Somalia Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa Waxaa uuka hadlay darajooyinka Ciidanka oo Mudooyinkii u Dambeeyay dhaliilo badan loo jeedinaya Qaabka loo qaato Mas.uuliyiinta qaarna ay sheegayeen in ay darajooyinku noqdeen wax la iska qaato oo aan aqoon lagu bixin .

Wasiirka ayaa waxaa uu uu sheegay in sanadkaan 2014 ka ay Wasaaradu Go.aan ku gaartay in Dib u habeyn ay ku sameyso darajooyinka saraakiisha Ciidanka isla Markaana aysan jiri doonin in qof uu qaato wax uusan Mudneyn.

“Waxaan rabnaa ayuu yiri Wasiirka in sanadkaan aan kala saarno Saraakiisha Ciidanka Ee Darajooyinka Saxda ah iyo kuwa aan saxda ahayn kala haysta Waa Xanuun badan yahay is badalku hadana Nidaam waa lagama maarmaan Waxaan Rabnaa in Generaalkii Saxda ah iyo kan Bugta ah in aan kala saarno. Sidoo kale Wasiirka Waxa uu yiri in arinkaan uu Fuli karo Hadii aan taageero ka helno Baarlamaanka iyo Xukuumada.

Arintaan uu ka dhawaajiyay uu Wasiirka Gaashandhiga hadii uu ka dhabeeyo waxaa meesha ka baxaayo Mooryaan badan oo Magac General-nimo ku qaraabto.

46

Idale News Online, Muqdisho.