Al Shabaab oo sheegtay in Qaramada Midoobe ay ku khasaartay Ciidamada Itoobiya.

0
190

Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ku faanay in Ciidamada Itoobiya ay ka furanayaan hubkii ay ku soo qalabeysay Qaramada Midoobe, si lagula dagaalamo Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Xasan Yacquub Cali, oo la hadlay afka Shabaabka ku hadasha, ayaa wuxuu in Qaramada Midoobe ay ku khasaartay Ciidamada Itoobiya.

“Hubkii gaaladu ugu talagashay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed maanta Mujaahidiinta ayuu gacanta u galay.” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub Cali.Yacquub

 

“Ban Ki-Moon ha ogaado in hubkii Magaalada Addis Ababa laga keenay uu gacanteena ku jiro.” ayuu si jees jees ah u yiri Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Ururka Al Shabaab.

Sheekh Xasan Yacqub Cali wuxuu ku hanjabay in ay cagta marin doonaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom, isla-markaana ay fashilin doonaan dagaalada ay kula jiraan.

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Xasan Yacquub Cali, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli ay deegaanka Wabxo isbuucii hore ku soo bandhigeen hub ay ka soo furteen Al Shabaab.

Alshabab

Idale News Online.