Wasiirka Arimaha Gudaha oo ku eedeeyey Masuuliyiinta Gobolada qarkood iney leexsadaan Mucaawada.

0
160

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa xusay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo leexsaday raashin gar-gaar ahaa.

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in dowladda ay joojisay gar-gaarkii ay u diri lahayd degmooyinka; kaddib markii ay ku aamini waayeen mas’uuliyiinta maamulladaas, isagoo xusy inay dhacday marar badan inaan loo gaarsiin dadkii gargaarka loo diray sidii loogu talo-galay.

“Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo lunsaday gar-gaarkii loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka dhibaateysan, waxaa dhacday raashin gar-gaar oo kal hore loo direy gobollada Bay iyo Bakool intiisa badan ay leexsadeen, inaguna waan kasoo celinnay waxaa loo diray Shabeellaha Dhexe oo ay xaalado aad u daran oo dhinaca bani’aadanimada ahi ka taagnaayeen,” ayuu yiri Goodax.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa xusay inay ku wareejin doonaan gargaarkas xildhibaankii qaadaya mas’uuliyadda raashinkas gargaarka ah oo gaarsiinaya dadkii loogu talo-galay gaarsiiyo, ayna kula xisaabtami doonaan.

 Goodax-Barre
Idale News Online.