Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa markii ugu horeysay magacaabay Madaxa Xafiiska Deriseynta ee Degmooyinka Maamulka Gobolka Banaadir.
Wareegto uu soo saaray General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxaa lagu soo magacaabay C/xakiim Maxamed Haadi, in uu noqdo Madaxa Xafiiska Deriseynta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegay in Barnaamijka Deriseynta uu wax weyn ka tari doono ammaanka Magaalada Muqdisho, haddii uu noqdo mid dhaqangala.
“Barnaamijka Deriseynta wuxuu noqonaya barnaamij aad muhiim ugu ah Magaaladda Muqdisho, haddii laga hirgeliyo ammaankana wax badan ka tari karo.” ayuu yiri Sarkaalkaan oo diiday in magaciisa la soo xigto.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Barmaamijka Deriseynta la doonaayay in laga dhaqangeliyo Magaalada Muqdisho, xilligii uu Xafiiska Shaqada joogay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, balse lagu guul dareystay.
“Dhowr goor oo hore waxaa leeskugu deyay Magaalada Muqdisho in laga hirgeliyo Barnaamijkaan, inkastoo uu fashilmay, laakiin hadda waxaad mooddaa in uu taaba geli doono.” ayuu sii raaciyay Sarkaalkaan.
Ujeedada xoogga loo saaraayo Barnaamijka Deriseynta, ayaa noqonaaya mid ay Dowladdu ku dooneyso, in wax weyn kaga bedesho hanaanka amni ee Magaalada Muqdisho.
Ninka cusub ee hadda la magacaabay, ayaa loo arkaa khabiir ku xeel dheer dhanka arrimaha bulshada, is dhexgalka qaybaha bulshada iyo horumarintooduba.
C/xakiim waxa uu la soo shaqeeyay Hay’addo dhowr ah oo ka hawlgala dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan Hay’adda SANZAF oo uu kala soo shaqeeyay dhinaca arrimaha bili’aadanimada.
—DHAMAADA—
Xafiirka Warfaafinta ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Idale News Online.