Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo shalay shacabweyne fara badan isugu soo baxay si ay u taageeraan golaha wasiirada cusub ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa meel fagaara kula hadlay Shacabka una sheegay cadawga koowaad shacabka koofur galbeed Soomaaliya in ay yihiin madaxda sare ee dowlada dhexe Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare C/wali Sheekh Axmed, uguna baaqay beesha caalamka inay aqbalaan rabitaanka shacabka wuxuuna sii racsiiyay hadaad aqbali weydaan labadaasi shaqsi meesha aan ku qornay ayaan idinku qoreeynaa labada shaqsi uu ula jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisalwasaare C/wali Skeekh anagana idinma aqoonsan doono.
Dowlada Koofur Galbeed waa daad ilaah keenay ilaahii keenay kaliya ayaa reebi kara cid kaloo reebi kartaa majirto ee daadkaasi yuu idin qaadin ka hor leexda ayaan idin leeyahay ayuu yiri Mr Geeseey.
Hadalka Wasiir Geeseey ayaa kusoo beegmaya xili uu Ra’iisalwasaare C/Wali Sheekh uu booqasho dhowr maalmood qaadatay ku joogo magaalada Kismaayo taas uu wasiirka ku tilmaamay mid aan sharci waa faqsaneyn booqashadaasi maadaamo nadaamka Axmed Madoobe uu ku yimid qoriga caaradiisi uu magaaladii Kismaayo oo dhan u bedelay meel dadka lagu Kawaan saaro.
Idale News Online, Baydhaba.