Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka General C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa wuxuu maanta uu si kedis ahayd uu ku tagey Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Abaan Duulaha, ayaa u amba baxay Magaalada Kismaayo, ka gadaal markii uu is mari waa soo kala dhex galay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa wuxuu doonaayay in uu isku soo dhoweeyo Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe, balse uu taasi ka biyo diiday Barre Hiiraale.
Barre Hiiraale, ayaa wuxuu sheegay in uu Axmed Madoobe la heshiin doono, kolka shirweyne dib u heshiisiineed loo qabto bulshada wada degta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
General C/risaaq Khaliif Cilmi oo Wariye-yaasha kula hadlay Garoonka Kismaayo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Kismaayo lagu qaban doono shirweyne, dib u heshiisiineed, oo leeskugu soo dhaweynaayo dadka deegaanka.
General Khaliif wuxuu u muuqdaa mid isku soo dhawayn u samaynaaya Barre Hiiraale, Ra’iisal Wasaaraha iyo Hogaamiyaha Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Idale News Online.