Wasiirada Arimaha dibada Ethiopia, Kenya iyo Uganda, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Arimaha dibada Mareeykanka John Kerry.
Dr.Tedros Adhanom oo ah wasiirka Arimaha dibada Ethiopia iyo Kenya Aamina Mohamed iyo kan Uganda Sam Kutesa, ayaa si wada jir ah ula kulmay Mr Kerry iyo Kaaliyaha arimaha dibada Mareeykanka u qaabilsan Afrika Linda Thomas-Greenfield.
Kulanka dhexmaray ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii xal looga gaari lahaa dagaalada ka socda Koofurta Sudan.
Kerry, ayaa wasiirada Arimaha dibada dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda ee uu la kulmay, ka dalbaday, ineey ka shaqeeyaan sidii xal diblomaasiyadeed looga gaari lahaa dhibaatada ka aloosan Koofurta Sudan.
Sidoo kale waxyaabaha kulankaas lagu soo hadal qaaday waxaa kamid ah dagaalka lagula jiro kooxda shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, iyo sidii DF gacan looga siin lahaa xidido siibida kooxdaas oo hada goobo fara ku tiris ah Gacanta ku haysa.
Idale News Online.