Labada wasiir arima dibadeed ee Kenya iyo Somalia Aamina Maxamed iyo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa lagu wadaa in maanta ay kulmaan iyagoo sida la shaaciyay ka wadahadli doona arimaha Jubbaland, dib ucelinta qaxootiga soomaaliyeed iyo arimo kale oo la xidhiidha xidhiidhka labada dal.
Waa markii labaad ee labada wasiir kulmaa mudo isbuuc gudihiis ah.
Khilaafka u dhaxeeya Juubaland iyo Muqdisho ayaa lagu wadaa in wadahadal lagu dhameeyo iyadoo kulamda khilaafkan lagu gorfeenayo oo kala heer ah ay ka dhici doonaan magaalada Nairobi.
Foosiya Xaaji Aadan Iyo Amina Cabdulahi Oo ah labada Wasir Debadeed Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya Ayaa Kulankaasi ku dhex Maray Arimaha Wada Shaqeynta Ugu weyn tahay waxayna Sheegtay wasirada Arimaha Debada Kenya Inay tageerayso sida Xal Looga gadhi laha Khilafka Muqdisho Iyo kismaayo.
Idale News ONline