Ciidamada Sierra Lione ee dhowaan gaarey Muqdisho ayaa lagu wadaa iney u duulaan Kismaayo si ay uga howl galaan Jubbooyinka

0
192

Ayadoo dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaareen ciidamo ka socda dalka Sierra Leone una gudbeen magaalada Kismaayo ayaa hogaanka sare ee AMISOM waxa ay dardaaran u jeediyeen ciidamadaasi kamid noqonaya howlgalka AMISOM, dardaarankaasi oo ku aadan ka qeyb qaadashada sugida amaanka gobolada Jubooyinka.

General Andrew Gutti  taliyaha ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Sierra Leone ee soo gaaray Soomaaliya loo qorsheeyay in nabad iyo xasilooni ay kusoo celiyaan deegaanada gobolada Jubooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

“Doorkeena ugu horeeya waxa uu yahay sidii aan ku xasilin lahayn Soomaaliya,sidaan horay idin kugu sheegay waxaa Soomaaliya loo soo daabulay ciidamo ka kala socda wadamada, Burundi, Kenya, Uganda iyo Djibouti si ay u taageeraan ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa dowlada Federalka ee Soomaaliya” ayuu yiri General Andrew Gutti  taliyaha ciidamada AMISOM mar uu saxaafada la hadlayay.

General Andrew Gutti  taliyaha ciidamada AMISOM  oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “Waxa ay ciidamadaan gacan weyn ka geysteen deegaano badan oo gacanta dowlada lagu soo celiyay, waxayna ku dadaalayaan sidii wada  tashi ay ula sameyn lahaayeen shacabka ku dhaqan deegaanada ay la wareegaan”

Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa mar uu ka hadlayay qorshaha ciidamada Sierra Leone ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay:- “Ciidamada Sierra Leone waxaa saldhig u ah deegaanada Jubaland gaar ahaan magaalada Kismaayo oo imika ay ku suganyihiin ciidamada Kenya oo ayaguna qeyb ka ah howlgalka AMISOM” ayuu yiri Mr Gutti

“Ciidamada Sierra Leone waxa ay qeyb ka qaadan doonaan xasinlinta iyo nabad kusoo dabaalida Soomaaliya, waa ciidamo  dalkooda uu soo maray dhibaatooyin lamid ah mida Sooamaaliya soo martay waxaana khibradaasi ay ka saacidi doontaa xasinlinta Soomaaliya waan idinkaga mahad celinayaa imaatinkiina Soomaaliya” ayuu yiri  General Andrew Gutti  taliyaha ciidamada AMISOM.

Gobolada Jubooyinka ee koonfurta Soomaaliya ayaa imika waxaa ku sugan ciidamo ka socda dalka Kenya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, ayadoona ciidamada Sierra Leone ku biireen ciidamada Kenya ee ku sugan Jubooyinka.

Idale News Online