Meeqa wiil ama gabdhood ayaa kula dhalatay? Haddii su’aashaa lagu weydiiyo, waxaa laga yaabaa inaad ku jawaabtid, 3, ama 4, amaba 5 aad gaarsiiso ama ilaa 12 qof.
Weligaa ma ku fekertay in qoyskaaga uu yahay kan dunida ugu tirada badan? Kollayba jawaabtaadu waa maya.
Haddaba weli ma maqashay qoyska reer Duggar? Waa qoyska ilaa iyo hadda lagu tilmaami karo inuu yahay qoyska dunida ugu tirada badan, wuxuu ka kooban yahay 18 carruur ah, aabbahood iyo iyo hooyadood.
Qoyska Duggar waa qoys jira, oo ma aha arrintooda sheeko ama qiso flim, aabbaha reerka Jim iyo maamada Michelle waxay is barteen 1980, 4 sano kaddibna way is guursadeen, wiilkooda curadka ah ayaa markiiba u dhashay, kaddib waxay go’aansadeen inay sameeyaan kala dheeraynta ilmaha (birth control), balse nasiib wanaag haddana maamada waxay qaadday uur aysan qorshaysan, waxayna dhashay cunugoodii labaad.
Wixii markaa ka damabeeyay waxay dib u eegis ku sameeyeen qaabkii ay horey u go’aansadeen ee ahaa kala dheeraynta carruurta, waxayna markaan qaateen go’aan ah in ay Ilaah u daayaan inta carruur ah ee uu siinayo, waana midda keentay inay yeeshaan ilaa 18 carruur ah, 10 wiil iyo 8 gabdhood, welina maamada way is haysaa, waana laga yaabaa inay carruur kale dhasho.
Reer Duggar waa qoys qunyar socod ah oo isku tiirsan iskuna kalsoon, carruurtooda iyaga ayaa waxbarta, waxaa guriga u yaal telifishin iyo internet.
Kollayba inay carruurtooda si wanaagsan u korsadaan waxaa u saamaxay hantida ay haystaan, ee haddii ay aahaan lahaayeen dad aan waxba haysan, xaalku sidaan waa ka xumaan lahaa, waxaana xasuustaa in dalka Masar ay gabari mar dhashay ilaa 6 mataano ah hal mar, taasoo musiibo ay u arkeen qoyskii ay u dhalatay iyagoo ka welwelsanaa, halka ay wax ay ku quudiyaan uga keeni doonaan.
Aaabaha iyo Hooyada iyo cunuga ugu yar reerka
Guriga reerka
Kushiinka reerka
qolka dharka ee reerka.. armaajo waa laga tagay
mid ka mida qololka jiifka ee reerka
qaybta sharaabka ee kushiinka
qolka dharka lagu dhaqo