wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka IGAD oo shir uga furmay Addis Ababa, Ethiopia

0
190

Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah oo looga doodayo qodobada la filayo in ay caawa ka doodaan madaxweynayaasha IGAD uga furmay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Afhayeenka Madaxweynaha Eng C/raxmaan Cismaan Cumar (Yarisow) ayaa Warbaahinta u sheegay in qodobada ay wasiirada ka doodayaan ay ka mid yihiin waxyaabihii ka hirgalay qodobadii ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya ee ka soo baxay kulanka madaxeedka IGAD ee dhowaan ka dhacay Addis Ababa.

Eng. Yarisow, ayaa sheegay in wasiirada IGAD ay il gaar ah ku eegayaan xasilinta Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa mowqifka IGAD ee ku aadan dhismaha maamul goboleedyada Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada, waxa uu sheegay in madaxweynaha uu caawa hor-dhigi doono madaxda IGAD waxyaabaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray amniga.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa beri ka qayb gali doono kulan madaxeedka midowga Africa ee lagu xusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka midowga Africa.

Idale News Online