Dowlada Turkiga oo sheegtay inay ka dhisayso darbi xaduuda ay la wadaagto wadanka dariska la ah ee Suuriya

0
192

Wasiirka ganacsiga, Xuduudaha iyo Kastamada ee dalka Turkiga Hayati Basidiji ayaa shaaca ka qaaday, in xukuumadiisu bilaabayso gidaar silig ka samaysan oo ay ka samayn doonto xuduuda dalkiisu la wadaago waddanka Suuriya.

Wasiirka oo u waramayay telefishanka NTV, ayaa sheegay in sababta wakhtigan keentay in gidaarkaas la dhisaa ka dhalatay, xaalada ammaanka ee dalka Suuriya oo ka sii daraysa iyo dadka sida sharci darada ah ku soo galaya dalka Turkiga oo sii kordhaya

Mar wasiirku ka hadlayay gidaarkan iyo sida qaabkiisu noqon doono, ayuu sheegay in lagu bilaabi doono dhawr kilo mitir oo tijaabo ah, kuwaas oo laga dhisi doono xadka gobolka Hatay ee Turkigu la wadaago Suuriya, kaas oo noqon doona mid silig adag ka samaysan oo lagu rakibi doono kamarado dhaq dhaqaaqa la socda.

 Turkiga ayaa hore u xidhay qaybo ka mid ah xuduudiisa gaar ahaan degaanada u dhow magaalada Rixani ee dhawaan qarax dad badan galaaftay ka dhacay, kaas oo sida maamulku sheegay xidhnaan doona muddo bil ah, balse dib loo furi doono haddii xaaladu hagaagto.

Magaalada Rixani ayaa konton qof ku dhinteen markii 11-May lagu weeraray qarax culus oo sagaashan qof oo kalana ku dhaawacmeen, waxa isa soo tarayay dhibaatada uu dalkaasi kala kulmayo qaxootiga iyo dirirta ka socota dalka Suuriya oo Turkigu taageero buuxda siiyay kooxaha mucaaridka ah ee ka soo hor jeeda dawlada Bashaar Al Asad.

 Gidaarkan oo lagu rakibi doono kamaradaha wax lagu ilaaliyo isla markaana sida la qorsheeyay kolba la kordhin doono, waxa uu noqonayaa gidaarkii ugu danbeeyay ee xuduudaha dalkaas lagu wareejiyo, waxaana sida la sheegay uu ku kici doonaa lacag badan.

Idale News Online