Muqdisho(INO)-Iyadoo dhawaan ay DF Somalia sheegtay in sanadka 2016-ka uu dalka ka qabsoomi doono doorasho nin iyo codkiisa, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
Odawaa, ayaa sheegay inaysan suuragal aheyn in sanadka soo socda dalka uu ka dhaco doorasho, waxa uuna tilmaamay in DF Somalia ay weli dhex maquureyso dadaalkii lagu dhaqan galin lahaa balse aysan muuqan fursado muujinaayo inay dhacdo doorasho xor ah.
Isagoo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “DF Somalia waxaa ay wadaa Qorshe ay kula tashaneeyso Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Maamul Goboleedyada ka jira Dalka si 2016 Dalka ay Doorasho uga dhacdo, balse aniga iima muuqato inay dhici karto doorashada”
Maamul Goboleedyada dalka ayuu ugu baaqay inay suuragaliyaan dariseynta shacabka ku nool deegaanadooda, si uu yiri loo dhaqan galiyo Hiigsiga 2016-ka.
Hadalkiisa aya caddeyn u ah sida ay dowladda Xasan Sheekh ay isugu diyaarineyso inay waqti dheeri ah hesho, maadaama ay aaminsan tahay in doorasho aysan ka dhici karin dalka 2016.
Idale News Online, Muqdisho