Baydhabo(INO)-Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Koofur galbeed C/raxmaan Sate oo isaga oo ku sugan Magaalada Marka wareysi siiyay Mustaqbal ayaa ka hadlay arrimaha ay u joogaan Gobolka Shabellaha hoose isaga iyo xubno kale oo ka mid ah Wasiirada Dowlada KGS.
Wasiirka ayaa sheegay in ay qiimeyn ku sameynayaan xaaladda Nabadgalyo ee Gobolka Shabellaha hoose, halka ay mareyso dib u heshiisiinta Beelihii dagaalamay iyo qodobo kale oo horumarka Gobolka ku saabsan.
“waxaan halkaan ku joognaa xubno Wasiiro ah, muhiimadeyno waa in aan soo celinaa nidaamka iyo kala dambeynta Gobolka iyo aan sameyno Ciidamo hoos yimaada Maamula Koofur Galbeed” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Koofur galbeed Soomaaliya.
Ku dhawaad 10 Wasiir oo ka tirsan Dowlada Koofur galbeed Soomaaliya ayaa hadda ku sugan Magaalada Marka kuwaasi oo ujeedada ugu weyn oo ay tageen halkaasi ay tahay nabadeynta deegaanka oo dagaalo beeleedyo ay ka dhacayeen mudo ku dhow Sanad.