Muqdisho (INO)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in xiriir aad u sareeya uu iminka dhex curtay Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadliye iyo Wakiilada Dowlada ethiopia u jooga Somalia.
Xiriirka uu Hadliye la wadaago wakiilada ethiopia ee Somalia, ayaa heerkiisa gaarsiisan in la kala gudoomo Sirta Qaranka Somalia, waxaana soo baxeysa in Hadliye Dukumiinti Bile ah uu ku wareejiyo Wakiiladaasi.
Dukumiintiga uu Hadliye ku wareejiyo Wakiilada ayaa lasoo warinayaa inuu yahay kuwo khuseeya Heshiisyada sirta ah oo Somalia ay la gasho dowladaha saaxiibada la ah iyo howlaha ay qaban doonto Wasaarada ee horyaal.
Sirta Qaranka ee uu Wasiir Hadliye ka iibiyo Dowlada ethiopia ayaan jirin Heshiis dhigaaya in labada dal ay wadaagi karaan Sirtooda, waxa ayna tani u muuqataa ganacsi.
Dowlada ethiopia ayaa mustaqbalka dhow ku hamineysa inay qabsato Somalia iyada oo dooneysa in Somalia ay ka dhigto dowlado yar yar oo iyada hoostaga.
Geesta kale, waxaan jirin dareen gaar ah oo ay DFS ku xakameyneyso Sirteeda, waxaana xusid mudan in warqad waliba oo laga daabaco xarumaha Dowlada nuqul kamid ah lasiiyo Safaarada ethiopia ee Somalia.
Idale News Online, Muqdisho