Muqdisho (INO)-Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wakhtigiisu yahay mid gabagabo ah ayaa ka hadlay xiliga kala wareega Dowlada iminka jirta iyo tan cusub ee imaan doonta.
Jawaari waxa uu sheegay in marka hore uu guul u rajeynaayo Dowlada iminka jirta iyo tan imaan doonta waxa uuna sheegay in mar waliba isaga iyo Xildhibaanada hadda jira ay ka go’an tahay inay la xisaabtamaan Dowlada sii dhaceysa ee uu Hogaaminaayo Xassan Sheekh.
Jawaari waxa uu tilmaamay in la xisaabtanka uu saameyn doono min Madaxweynaha ilaa Madaxda kale, waxa uuna carab dhabay in madaxweyninimada Xassan aysan ka turjumeynin xisaabtan la’aan.
Waxa uu shakiga ka saaray in Madaxweynaha qudhiisa uu sameynkaro ku tagrifal Hanti qaran, sida ay ku eedeeyaan Xildhibaanada, waxa uuna cadeeyay in Xassan Sheekh uu xilkaasi ka degi doono iyadoo lala xisaabtamay.
Jawaari ayaa hadalkaani u sheegay Xildhibaano dacwad ka ahaa Xassan Sheekh kuwaasi oo dalbanaayay in wakhti dheer lala xisaabtamo Xassan iyo Xukuumadiisa iyaga oo ku tuhmaaya Musuq-maasuq.
Jawaari ayaa ballanqaaday in Xassan Sheekh ay la xisaabtami doonaan ka hor inta aan la gaarin kala wareega waxa uuna bidhaamiyay in mas’uuliyada saaran ay gooni tahay, la xisaabtankana uu yahay mid gaar ah.
Haddalka Jawaari ayaa u muuqda mid shaki galinaaya mas’uuliyada Xassan Sheekh, waxa uuna muujinayaa inuu jiro xatooyo uu galay madaxweynaha.
Idale News Online, Muqdisho