Baydhabo(INO)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay Madaxweynaha Maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya oo shalay lagu doortay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan maamulkaasi oo si sharci ah loo doortay.
Wasiir Goodax ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku faraxsan tahay hanaanka lagu doortay Maamulkaan cusub, islamarkaana ay soo dhaweynayaan.
Halakan Ka Dhageyso
Wuxuu sheegay inuu hambalyo u diraayo Shariif Xasan Shekh Aadan oo Madaxweyne loogu doortay Maamulkaasi, isaga oo ku hadlaayo Magaca Xukuumadda sida Wasiirka uu sheegay.
Hadalka kasoo baxay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli madaxda ugu sareysa dalka ay go’aan mideysan dhawaan ka qaateen shirka Baydhabo in la hakiyo, waloow taasi ay ka dhaga adeegeen xubnaha guddiga farsamada ee shirkaasi ku howlan.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo