Dhageyso: Xildhibaano Soo Dhaweeyey Doorashadii Shariif Xasan

0
220

Baydhabo(INO)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashada Shariif Xasan Sheikh Aadan loo doortay madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

cabdilaah sheekh ismaaciil

Xildhibaan C/laahi Sheikh Ismaaciil oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha cusub ee koofur galbeed looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo horumarinta deegaanada maamulkaasi iyo latashiga shacabka ku dhaqan koofur galbeed.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii kasoo baxay Jawaari oo ahaa inaan la aqoonsan doonin natiijada ka timaada shirka magaalada baydhabo.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo